Wararka laga helayo gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in culumaa’udiin Quran Aqris usocday ay Miino kula kacday iyaga oo marayay duleedka magalaada Xudur ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in dadka gariga sarnaay ay ku wajahnqyeen Tuulada Aboore oo 25 kilometer u jirto magalada Xudur si ay Quran ugu soo akhriyaan gabar xanuunsan oo halkaasi lagu haayay.

Ilo wareedyo deeganka kusugan ayaa Halgan Media u xaqijiyay in markii ay Miinada kula kacday gaariga islamarkiiba ay mesha ku geeriyoden 4 culuma’udiin, halka 6 kalana ay ku dhawacmeen.

Weli lama oga sababta kadmabeeysa in qarax lala beegsado culuma’udiinka waxa jiro warar sido kale soo baxaya oo shegaya suurtagalnimada miinada in ay ahayd mid waa hore mesha lagu duugay iskana qaraxday.

Waxaa marar badan ka dhacday gobolka Bakool oo ay ku xoogan yihiin labada dhinac oo kala ah ciidamada Itoobiya Iyo Al Shabaab in ay Miinoyin ku aasan jidadka, taas oo keenta in ay shacab badan ku wax yelobaan.

Halga Media.