Wasiirka caafimaadka ee dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo waxaa uu sheegay in labo kamid ah tobanka qof ee la siiyay daawooyin tijaaba oo loogu talo galay cudurka Ebola ay ku caafimaaden.

Daawadaan oo lagu magacdaray mAb114 ayaa waxaa ay kamid tahay shan daawo oo si tijaabo ahaan ah loogu ansixiyay in lagu isticmaalo gudaha dalkaasi.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa waxtarka daawadan ku tilmaamay rajadii ugu horeesay ee loo helo daweynta cudurka Ebola.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.

Daawo Loo Helay Cudarka Ebola