Waxaa xalay ka kacay xerada Dhagaxley dab wayn oo saamayn kuyeeshay suuqa xerada Dhagaxley oo hoostaga degaanka Dadaab ee gobolka NFD.

Dabka oo kabilowday gudaha suuqa xerada Dhagaxley ayaan la ogayn ilaahada sababta kambaysay dabkan balse dadaal ay sameyen dadka kudhaqan xerada oo uu ilahayna kugarab galay ayaa ku guulaystay inlagu xakameeyo goobihii uu kabilowday.

Goobta uu dabku kabilowday ayaa ah makhaayado yaryar oo inta badan shaaha iyo qaadka lagu iibiyo wuxuuna dabku gubay qayb wayn oo kamid ah suuqa xerada Dhagaxley.

Dabka ayaa gaystay khasaare badan oo uu ugaystay dad meherado yar yar kulahaa xerada kuwaas oo saaka kusoo toosay hantidoodii oo baaba’aday.

Halgan Media