Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay magalaada Bashir Dar katirsan gobolka Gonder ee ismamuulka Axmaraada.

Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo farabadan oo ku yaalla magalaada. Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale boqoolal Qoysas ayaa Guryahooda kabarakacay. Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.