Kooxo hubaysan ayaa maanta dad shacab ahaa ku rasaaseeyay tuulada Mirkhalifo oo ku tallo duleedka magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.

Ilo wareedyo la hadlay Halgan Media ayaa xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen Dablay hubaysan ku dhaawacmay illaa 2 Qof shacab ah oo mid ka mid ah xaaladooda laga deyrinayo. Weerarka ayaa lagu waramayaa inuu salka ku hayo Aanooyin qabiil.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray walaac ka taagnaa ammaanka magalaada Wardheer iyo degmooyin udhow.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.