Wararka nagasoo gaadhaya degmada Baraay ee gobolka Afdheer ayaa sheegaya in saaka ciidamada gumeysiga itoobiya xabsiga utaaxabay Yasin Siyaad iyo laba qof oo kale oonaan wali magacooda helin.

Warar ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in dadkaasi aad loo jidh dilay kohor inta aan xabsiga lahayn.

Maahan markii koobaad ee ciidanka gumeysiga itoobiya ay sidan oo kale shacab ay xidhee waxaana shacabka Ogaadeniya guud ahaan marar badan la kulmaan tacadiyo noocan oo kale ah kuwaasi oo isugu jira dil xadhig iyo kufsi.