Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan degmada Shilaabo ee gobolka Qorahay ayaa waxay sheegayaan in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay Xalay gurigiisa kala baxeen wiil shacab ahaa oo magaciisa naloogu sheegay Nuur Cabdi Budul iyo kadib xabsiga u taxaabeen.

Lama ogow sababta loo xiray wiilka. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mamuulka gobolka Qorahay oo ku aadan xadhiga xalay loo geystaay Nuur Cabdi Budul.

Maleeshiyadka Liyuu Booliska oo ah calooshood ushaqaysteyaal loo carbiyay xasuuqa shacabka Soomalida ayaa dhibaato caqliga bini,aadamku qiyaasi karin ugaystay shacabka, waxayna wali usii oo manyihiin dhiiga shacabka aan waxba galabsan ee Gumaysiga Itoobiya ku hoos jira.

Hoos ka Daawo Sawiirka.