Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteedii maalinlaha aheyd ee cudurka Covid 19 ayaa ku shaacisay tiradii ugu badneyd la diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka.

51 kamid ah 73-da qof ee laga helay cudurkaas waa lab halka 22-ka kalena ay dhadig, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood oo qaar ay ka bogsoodeen qaarna u dhintay.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.