Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu dib uga qarxay tuulada Dhaalo hoostaga degmada Fiiq ee gobolka Erar.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu keenay dagaalka, oo soo kala gaarey labada dhinac.

Dadka degaanka ayaa wakalada Halgan Media u xaqijiyay inuu Laba qof ku dhintaay dagaalka.

Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan mid degan, inkasta dadka degaanka ay soo warinayaa inay ka cabsi qabaan inay dib ubilaabato is-rasaasaynta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.