Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka qarxay deegaanka Elele ee gobolka Shabelle, kaas oo u dhexeeyo labo beelood oo walaalo ah.

Dagaalka ayaa salka ku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed, kaas oo uu murankiisu maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha Elele.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhawaacmay illaa 10 qof siida ay sheegan dadka degaanka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta ismamuulka Somali Galbeed oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi.

Xaaladda ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac.

Halgan Media.