Wararka nagasoo garaay gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Libaan ayaa sheegaya inuu dagaal ka dhacay magaalada Fiiltu, waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen ilaa laba qof.
Dagaalkan oo magaalada gudaheeda ka dhacay ayaa sababtiisa lagu sheegay inay la xidhiidho hanaanka kuraas-qaybsiga ee maamulka.
Ilaa hadda lama sheegin cid kala dhex gashay labada lafood ee walaalaha ah ee dhibaatadani dhexmartay. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.