Milatariga Pakistan ayaa sheegay in sadex askari oo ka tirsan ciidankooda iyo shan askari oo ka tirsan milatariga Hindiya ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay xadka Kashmiir.

Afhayeenka milatariga pakistan Janaraal  Asif Ghafoor ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in qabarkaan, waxaana uu sheegay in ciidanka Hindiya ay weerar ku soo Qaadeen.

Mr Asif ayaa dhanka kale tilmaamay in sadex ruux oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka dhexmaray Milatariga Hindiya iyo Pakistaan.

Dhanka kale wasaarada arimaha dibada Hindiya ayaa beenisay in askar looga dilay Dagaalka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.