Kadib dhagax dhigii dhaamka wayn ee wabiga Nile ama abay loga yaqaano dalka Itoobiya sanadkii 2011 halka oo laga dhalinayo xoog koronto oo dalalka geeska Afrika gaadhsiin kara laydh ayaa xiliga waxaa bilowday xiisad dagaal diblimasiyadeed kas oo mar xalado kala duwan soo maray.

Waxay soo socotaba xaalku hada ayuu ugu xunyahay waxayna maraysa heer laga baqayo in gacan ka hadal yimaado hadaba dalalka geeska Afrika ayay u kala tartamayaan ka helida taageero iyo garab istaag mid baa midka kale waa Masar iyo Itoobiya sida Sudan, Eritrea, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Hadba xalka oo qasan kadib markii laysku afgaran wayau wadahadaladii ka socday magalada Washingtin, ayaa mid baa midka kale Masar iyo Itoobiya ku jiraan hub urursi iyo dagaal diblamasiyadeed kaso xiisada kor u kiciyay, hadaba dawlada Masar ayaa waxay ku hanjabtay labo bilood ka hor inay duqayn doonto dhamka dhulkana laa simi doonto.

Hadaba hadalka ka soo yeedhay wasarada gashan dhiga ee dalka Masar ayaa abuurtay in Itoobiya ku baraarugto xalad dagaal oo dhab ah indha caalamkuna fiiro gaar ah u yeesheen arinkan inta ka dib masar waxay salidhig milatari oo cirka iyo bada ah ka samaysatay dalka Eritrea waxana soo shaac baxay todobaadkan in ay Waqooyiga Soomaaliya ka samaysanayso salidhig kale kadib marki Itoobiya ku soo naxday hub ay dawlada Masar siisay mamuulka Somaliland oo ka talliyo Waqooyiga Soomaaliya.

Arinkaas oo Itoobiya aad oga xanaajiyay, waxaa soo ifbaxay in mamuulka Somaliland iyo Itoobiya xidhiidh koodii tabar daro gashay hadaba dagaalka dib lamasiyadeed ee tartanka geeska africa ayaa waxa u xoog badana itoobiya gacantana ku haysay tageerada Sudan, Eritrea, Soomaaliya iyo Kenya.

Dadaba dalalka u maro wabiga Nile oo ah 11 dal oo bariga iyo badhtamaha africa ayaa ahmiyada ugu wayn tahay marka laga reebo somaliya 7 dal ee geeska Afrika, ayado dalka Kenya iyo Itoobiya xiisad siyaasadeed oo ku sabsan fikir kala aragti duwanaanshaha Soomaaliya,  khasatan jubaland ku kala fogaadeen kadib diyaarad rakaab oo Kenya laga laha ay soo rideen ciidamada itoobiya qaybna ka ahayn ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Sido kale Sudan oo dagaal dhex maray kadib markay ciidamo itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad deegaanka Amxaraada ka socday ay qabsadeen bishi hore dhul Sudan leedahay todobaadkan naa dib loga furtay xalka oo xiisad ka soo cusboonatay labada dal Itoobiya iyo Sudan, Somaliland oo ganacsi ahaan iyo siyaasad ahaan baa Itoobiya samayn wayn ku lahayd naa ay u gacan gashay Masar.

Dalalka kali ah ee u soo hadhay waa Jabuuti iyo Soomaaliya oo isku halayn buuxda ka qabin hadaba mar u maanta laanta af axmariga ee VOA da waraysi ka bixinayay raysal wasaare abiye axmed ayuu waxa ku sheegay inay itoobiya dagaal kali karto haday khasab noqoto hadalka oo ka makhrati kacay xalka walacsan.

Xiisadan oo ku lug leeyihiin quwadaha wawayn rushku laa safanyahay iyo shiinuhu masar halka maraykanku laa safanyahay itoobiya ayaa aad looga cabsi qabaa inu gacan ka hadal isu rogo.

Halgan Media.