Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta weerar qorsheysan ka fuliyay gudaha magalaada Dembi Dollo ee gobolka Wollega oo katirsan Ismaamulka Oromada.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday Kolonyo uu la socday Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya, taas oo mareysay bartamaaha magalaada.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay 2 Qof oo Shacab ah sida ay Halgan Media u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Weerarka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo madaxda gobolka Wollega oo ku aadan dhacdadaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.