Wararkka ka imaanaya gudaha Ogadeniya ayaa  sheegaya in abaar tii u darnayd ay kajiro 11 gobol ee dalka Ogadeniya, isla markaana waxaana la arkayaa qoyasaas reer Guura ah oo abaartu saamaysay.

Abaaraha Xoogan oo saamayn ku yeeshay Nolosha Dadka Reer Guuraaga ah ee kunool meelaha Miyiga  ayaa haatan la soo sheegayaa in abaartaasi gaadhay Halkii ugu xumayd oo Xiligan Dadka Deegaankaasi ay siwayn Abaartaasi ugu Dhufatay.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ku habsaday abaar aad u daran. Gobolada Doolo, Libaan, Qorahay iyo Nogob ayaa kamid meelaha u darran oo xitta biyo la’an bahsan ka jirto. Ilaa iyo hada ma jirto cid u gurmatay dadka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.