Wararka naga soo garaaya gobolka Fafaan ayaa sheegaya inuu dagaal xoogan ka qarxay nawaaxiga degmada Tuliguuleed ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in shalay galabtii ay Maleeyshiyaadka Oromada kusoo duleen tuulada Dharcaseeye oo hoos timaada deegaanka Tuliguuleed, balse waxaa Oromada ka hor imaaday shacabka Soomaaliyeed oo hubeysnaay kadibna dagaal fool ka fool ah ayaa dhex maray labada dhinac.

Goobjoogyaal ayaa Halgan Media u xaqijiyay in Oromada laga dilaay 6 ruux, kadibna Qoryahoodii laga furtay. Dhanka Somalida waxaa la xaqiijiyay wax khasaara ah ma ayaan dhicin.

Dulaankan ay Oromada kusoo qaaday degmada Tuliguuleed, waa weerarkii labaad oo ay deegaanka kusoo qaadaan 48 saac gudaheeda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.