Ugu yaraan 12 ruux ayaa lagu dilay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaal dib markale uga soo cusbonaaday xadka dalalka Itoobiya iyo Kenya, kaas oo u dhaxeeya Kooxo hubeysan siidi ay sheegan wargeyska Addis Standard.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxay ka soo kala jeedaan Qomiyadaha Borana iyo Gabra oo kudhaqaan xadka labada dal.  Sidoo kale Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qeybo ka mid ah Xadka.

Muddooyinkii la soo dhaafay Kooxo hubeysan ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan deegaanada dhaca xadka Itoobiya iyo Kenya. Ariintan waxaay keentay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya iskashadaan siidi Lagu hor imaado dagaalada u dhaxeeyo dadka Reer Miyiga ku dhaqaan xadka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.