asaarada wax barashada ee Dowlada Federalka ayaa 170 arday ka eriday jamaacadaha ku yaallo Itoobiya, ayaga oo ku eedeyay inay ardaydaasi lug ku lahayeen dagaalo iyo isku dhacyo ka socdo Jamacaadaha kala duwaan ku yallo Itoobiya oo u dhaxeeyo Qomiyadaha kala duwaan.

Samuel Kifle oo u qabilsan wasaarada wax barashada ayaa shir jaraaiid ku qabtay magalaada Addis Ababa ee Xaruunta Gumaysiga Itoobiya, wuxuuna sheegay inay “Wasaarada wax barashada qataay Go’aan ah in 170 arday lagu eeriyo Jamacaadaha kala duwaan ku yallo dalka Itoobiya, markii cadaaymo lagu helay inay lug ku leyihiin dagaalo ku salaysaan Qomiyadaha oo aad kuso bataay Jamacaadaha ee dalka Itoobiya”

Sidoo kale Samuel Kifle ayaa sheegay in digniin loo diraay 280 arday oo loo sheegay ina joojoiyan dagaalada ku salaysaan Qomiyada, wuxuuna kusi darray cid walba lug ku leh ababuulka dagaalka u dhaxeeyo qomiyadaha kala duwaan ee dhiigto Jamacaadaha Itoobiya In la xidhi doona.

Jamacaadaha Itoobiya waxaay bilooyinka u dambeysay isku bedashay goobo dagaal u dhaxeeyo Qomiyadaha kala duwaan ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.