Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya gaar ahaan Ismaamulka Amxaarada ayaa sheegaya in dagaalo xoogan ay ka qarxeen degmada Mekdela oo katirsan Bariga gobolka Wello sida uu sheegay wargeyska Addis Standard.

Waxaa la sheegay in 7 qof ku dhimatay dagaal kadib markii ay israsaaeyn dhex martay ciidamada amaanka iyo kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin.

Afar kamid ah todobadii qof ee la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen askar sida ay hadalka u dhigeen mamulka degmada Mekdela.

Mudooyinkii u dambeyay waxaa Ismaamulka Amxaarada kasocday degenaasho La,aan iyo amni darro baahsan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.