Wararka hada nagasoo gadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in dagaal khasaare dhaliyay uu Somalida iyo Oromada ku dhex maray agagaarka degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile.

Dagaalkan oo dabasocda dagaalo hore iyo weeraro ay maleeyshiyaadka Oromada kusoo qaden marar hore shacabka Ogadenia ee degan xadka Ogadenia iyo Oromia ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu Jira. Warbaahinta Halgan Media ayaa heshay magacyada iyo khasaaraha dadkii maleeyshiyaadka Oromada ku wax yeleen tuulo oo degmada Ma’aayso u jirta 8km oo lagu magacaabo kurfaa.

Sida u warka nagasoo gadhay waxaa dhintay dhanka Somalida 4 ruux oo magacyadooda naloogu sheegay.

  • Maxamed Cabdalla
  • Ahmed Cali Muuse
  • Ahmed Ibrahim Ahmed
  • Shakuur Cabdi Yusuf

Sido kale waxaa dhawaac ah

  • Ahmed Xassan Ciise
  • Cabane Maxamed Ahmed

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.

Halgan Media.