Wararka nagasoo gaadhaya tuulada Laab ee gobolka Shabelle ayaa sheegaya in ay halkaasi kadhacday shaqaaqo sababtay dil iyo dhaawac soogadhay shacabka degaankasi Ku nool.

Xogtan oo ay heshay warbaahinta Halgan Media ayaa sheegaysa in goob ay laba belood isku haysteen isla markaana ay rabeen inay tuula kadhigaan, Mamuulka degaanku ayaa kuso dirtay Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska balse hawshu isku badhashay iska hor imaad kadib markay Beel kamida beelihii diiday amarkii Liyuu Booliska.

Sida ay dadka degaanku noo xaqiijiyeen dagaal xoogan ayaa dhex maray labada dhinac, waxaana Ku dhintay 2 ruux halka ay ku dhawaacmeen 7 kale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.