Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magalaada Bahar Dar ee xaruunta gobolka Gojam ee ismamuulka Axmaraada ee Waqooyiga Itoobiya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Kooxo hubaysan ay labo jiho ka weerareen xafaad oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Milatariga Itoobiya.

Ugu yaraan 4 Qof ayaa Ku dhintaay dagaalka dhex maray Labada dhinac oo dagaalamay. Sidoo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo la hadlay Warbahiinta ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weeraro kaga yimid Rag Hubaysan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ismamuulka Axmaraada ama dowlada Federalka Itoobiya oo ku aadan weeraradaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.