Boqolaal qof oo tahriibayaal itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa doonaya in dalkooda ay dib ugu laabtan,kadib markii ay ku adkaatay xaalada nololeed ee Boosaaso.

Waxaa la sheegay in sedexdii bilood ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay kumanaan itoobiyaan ah kuwaasi oo ay deeganada maamulka Puntland ay soo geliyeen dadka  wax tahriibiya.

Dadkan ayaa waxa ay go’aansadeen in dalkooda dib ugu laabtan, kadib markii Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ay ka waayeen waxyaabihii loo balan qaaday oo ay kamid ahaayeen shaqooyin iyo waxyaabo kale,balse ay ka doorbideen in ay dalkooda dib ugu laabtan.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay tahriibayaal badan oo ka imaanayay Itoobiya iyada oo si qarsoodi ah lagu soo gelinayay jamhuuriyada Soomaaliya gar ahaan deganaada katirsan mamuulka Puntland laguna keenayay Doonyo. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.