Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Jabhada Oromo Liberation Army (OLA) iyo ciidamada dowladda Itoobiya oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah Ismaamulka Oromada.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Jabhada OLA ay labo jiho ka weerareen degaanka inango oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada Itoobiya.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la sheegay in uu xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoo ciidamadii la weeraray ay socdaalkooda ka sii wateen halkaasi.

Inta badan dagaalyahannada Jabhada Oromo Liberation Army (OLA) oo ah garabka ka Go’aay Jabhada Oromo Liberation Front (OLF) ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanada ka tirsan Ismaamulka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.