Milatariga Suuriya ayaa guulo ka gaaray kadib dagaal xoogan oo ay la galeen Jabhada Sunniyinta ee ku sugan gobolka Idlib ee waqooyiga Galbeedka dalkaasi.

Wakaalada Reuters ayaa sheegtay in ciidanka dowlada iyo dagaalyahano taabacsan ay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin ka Kafr Ciin Khirbiid Al-Murshid iyo Minrar.

Ciidanka suuriya ayaa dagaal xoogan la galay kooxda Jabhatul Fatax Al-Shaam iyo dagaalyahanada Al-Nusra oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida.

Ilo ka tirsan milatariga Suuriya oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay in qasaare xoogan ay u geesteen Jabhada ee ku sugan gobolka Idlib.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.