Wararka nagasoo gadhaya magalaada Baabili oo katirsan gobolka Fafaan ee galbeedka Ogadenia ayaa sheegaya in dagaaladii Oromada iyo Soomaalida wali ay si goos goos ah uga socdaan.
Dagaal ayaa kadhacay Baabili agteeda waxaana kudhintay hal qof oo Soomaali ah. Waxaana dagaalka noocan oo kale ah horay uga dhaceen meelo badaan katirsan xadka Ogadenia iyo Oromia.
Dhulka xuduuda ah ee ay wadaagan labada bulsho ee Oromada iyo Soomaalida ayay markasta gumeysiga itoobiya kasamaysaa isku dir labada shacab.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.