Wararka naga soo gaadhaya Koonfurta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal dhiig badani kudaatay oo dhex maray labo Qomiyad oo wada daga Ismaamulka Shucuubta Koonfureed siida ay sheegan idacaada DW ee laanta Axmaraada.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalkan cusub ayaa dhex maray qoomiyada Konse iyo qoomiyada Ale oo Shucuubta Koonfureed kasoo jeeda, kuwaas oo wada daga Koonfurta Itoobiya, kuwaas oo kakooban qoomiyado badan oo kala hayb ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in uu dagaalku bilowday kadib markii labada qoomiyadood ay isku qabsadeen dhul, waxaana lasoo tabinayaa in uu qoomiyadaha dhex maray dagaal aad uculus oo khasaare badan keenay.

Goob jooge yaal kusugan deegaanada ay dirirtu kadhacayso ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintaay dagaalka iyo inay bara kaceen dhowr boqool oo shacab ah siida ay hadalka u dhigeen idacaada DW ee laanta Axmaraada.

Halgan Media.