Wararka naga soo gaaraya gobolka Nogob gaar ahaan degmada Garbo ayaa sheegaya inuu shalay subaxdii dagaal ka dhacay qabalaha Haadweyn oo katirsan duleedka Garbo

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo Maleeyshiyo beeleed, waxaana la sheegay in mid kamid ah beelaha kusoo duulay beelaha kale. Ilo degaanka ah ayaa sheegay inuu dagaalka sababay khasaaro balaaran.

Waxaana dagaalka lagu afduubay laba ruux, kadibna gurya badan la gubay. Lakiin maa jirin wax dhimasho. Ragii la afduubay ayaa la sheegay inay kala yihiin Axmed Cismaan iyo Guleed Xassan Bashir Sufi Caydiid kadibna waxaa la sheegay in la sii daayay ragii la afduubay.

Dagaalo beeledyo ayaa kusoo batay Soomali Galbeed muddooyin kii u dambeysay, waxaana arintan ka dhashay khasaaro kala duwan iyo colaado oo weli taagan

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.