Maalintii Afraad ayaa magaalada labaad Cadan ee dalka Yemen ay ku dagaalamayaan xoogag markoodii hore ka wada tirsanaa xulufada uu hoggaaminayo Sucuudigu.

Dagaalyahannada gooni u goosadka reer koonfurta Yemen ayaa sheegaya in ay dhul badan ku qabsadeen dagaaladii socday maalmihii lasoo dhaafay oo ay riixeen xoogagga caadda u ah xukuumadda.

Dhanka kale maleeyshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen madaarka magaalada Abha ee koonfurta boqortooyada Sucuudiga.

Maleeyshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa diyaaradaha drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha lahayn ku duqeeyey Airport-ka magaalada Abha ee koofurta Sucuudiga.

Af-hayeen u hadlay maleeyshiyaadka Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Yaxye Sariic ayaa sheegay in weerarkaas ay ku duqeeyeen haamaha shidaalka garoonka iyo goobta laga hago diyaaradaha, isagoo ku libin sheegtay in adeegyadii garoonka ay hakad iyo qalqal galiyeen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.