Kadib shir ay madaxda dalalka Yurub ku yeesheen magaalada Vienna ee dalka Austria ayey kaga hadleen xaaladda muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku qul qulaya dalalkaasi.

Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Talyaaniga, ahna Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi Matteo Salvini oo qeyb ka ahaa shirkaasi ayaa si kulul uga hadlay arrimaha muhaajiriinta, isagoona sheegay in dalka Talyaaniga uusan xiligan wax baahi ah u qabin muhajiriintaasi, islamarkaana waxaa wax lala yaabo ku tilmaamay dalalka difaacaya in la soo dhaweeyo.

Raysal Wasaare Salvini oo hoogaaamiyo xisbiga ka soo horjeeda Muhaajiriinta ayaa tilmaamay in aysan jirin dan ku kalifeysa Talyaaniga in uu qaabilotTahriibayaasha Afrikaanka oo uu ku tilmaamay Adoon shaqo doon ah, kuwaas oo caqabad ku ah fursadaha jiilka soo karaya ee dalkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in cidii danayneysa Muhaajiriintaasi ay dalalkooda geeyaan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Talyaaniga ay diiday in ay qaabisho Muhaajiriin Afrikaan ah oo laga soo badbaadiyay xeenaha dalkaasi.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.