Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Fashiliyeen  Weeraro Al-Shabaab Soo Maleegtay Oo Laga Fulinayey Gudaha Dalkaasi

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Federalka Itoobiya Burhanu Tssegaye oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in haayadaha amaanku gacanta kudhigeen kooxo qorshaynayay inay fuliyaan weeraro argagixiso oo balaadhan.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uusan kahordhacaynin baadhitaanka balse gacanta lagu hayo shaqsiyaad banaanka kasoo abaabulay weeraro argagixo kuwaasoo xidhiidh laleh kooxda Argagixisada ah ee al-shabaab.

Wuxuu xeer ilaaliyahu intaasi kudaray in shaqsiyaadkan lagu qabtay lacag,hub,walxaha qarxa,aqoonsiyo baasabooro kaladuwan,sawiro iyo xogo muujinaya meelaha ay qorshaynayeen inay weerada kagaystaan iyo waxyaabo kale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.