Shalay ayey ahayd markii warbaahinta Halgan Media ay soo bandhigtay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan dilal ay Maleeshiyadka Danab ka geysten gudaha degmada Wanlaweyn xili ay halkaasi howlgal ka wadeen.

Warbixinta ay soo bandhigtay Halgan Media oo qabsatay baraha bulshada oo aad loo hadal hayay ayaa ku sabsan qabka ay Maleeshiyadka Danab oo tababarta dowlada Mareykanka ay xili habeen guri qof shacab ah ay u dhaceen kadibna ay dileen qofkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan, xili Ehelkiisa ay arkayeen.

Marxuumka ay dileen Maleeshiyadka Danab ayaa lagu magacabi jiray Cabdalla Cumurow. Dilka kadib waxa meydka loo qaatay xerada Balidoogle oo ah xaruunta ugu weyn ay ciidamada Mareykanka ku leyihiin Somalia. (Halkan Riix Si aad u Akhrisid Warbixinta)

Bayaanka kasoo baxay maamulka degmada Wanlaweyn ayaa lagu cambarayay dilka ay Maleeshiyadka Danab u geysteen qofka shacabka ah waxaana bayaanka ay ku sheegen in ay la xirireen Maleeshiyadka huwanta ee Danab balse ay inkireen dilka, taas oo keenay in ay maamulka degmada Wanlaweyn ku dhawaaqen baaritan madaxbanaan.

Hoos ka akhriso bayaanka kasoo maamulka degmada Wanlaweyn.

Ma aha markii ugu horeeysay oo ay Maleeshiyadka Danab ee hoos tago taliska Mareykanka ee Balidoogle in ay shacab aan waxba galabsan ku layaan Shabellaha Hoose, sida muqaato mana noqoneeyso markii u dambeeysay oo ay dad rayid dilaan ama qafashaan.

Halgan Media