Warar hordhac ah oo hada naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saraakiil katirsan ciidanka xooga dalka lagu jir dilay magalaada Baydhabo, kadibna xabsiga loo taxaabay.

Ilo amni ayaa Halgan Media u xaqijiyaay in goor dhow 7 kamid ah Saraakiisha militiriga una qabilsanaa gobolada Bay iyo Bakool ayaa jir dil xoogan loogu geystay oo ay u horeeyaan sarakiil lagu kala magacaabo Hassaney Hassanow iyo Adan Joon.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa dilka iyo xadhiga amray Taliye Iirow oo katirsan ciidanka xogga dalka. Taliye Iirow ayaa sarakiisha ka dalbaday in ciidanka dhowaan ku gadooday degaanka Xuder ee gobolka Bakool in ay dib ugu soo labtan xerooyinkooda, balse qar kamid ah sarakiisha ku sugan goobta ayaa amarka diiday.

Islamarkiina Taliye Iirow ayaa amray in sarakiisha la xiro, kadibna xabsiga loo taxaabo, taas oo keentay in Hassaney Hassanow iyo Adan Joon, iyo sarakiil kale la xiro, loona geysto jir dilo sida ay Halgan Media u sheegen ilo lagu kalsoon yahay

Shalay ayey kubegned markii ay Halgan Media soo bandhigtay Xogta ku aadan in qaar kamid ah ciidamada Dowlada ku sugan magalaada Xudur in ay gadoodeen. (Halkan Riix Siida Akhrisitiid)

Halgan Media.