Dhigya Cabka Cabdi Iley ayaa waxa uu Raysal Wasaaraha Itoobiya ka dalbaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la xiran. Cabdi Iley ayaa maanta hadalkan ka hor jeediyay, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Cabdi Iley ayaa maxkamadda ka codsaday in isaga iyo dadka kale ee la xiran laga gaarsiiyo codsigooda ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha, islamarkaana uuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro.
Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban maalmood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan. Lama oga Go’aanka uu qaadan doono R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaasi oo ku aadan cafiska uu weydiistay madaxweyhihii Hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.
Cabdi Iley iyo Xubnaha kale ee la xiran ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dhibaato badan u geysteen shacabka ku nool dhulka Dowlad Degaanka Soomaalida.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media