Wararka naga soo gaaraya magaalada Qabridahare ee Xarunta gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in goor dhow lagu dilay Cabdulqaadir Sheekh Axmed.

Sida aan xogta ku helnay Cabdulqaadir wuxuu ahaa sarkaal katirsan booliska magaalada Qabridahare, waxaana la sheegay in ay gabadh tooray geliysay.

Weli lama oga sababta Torayda loogu dilay marxuumka laakin wariyaasha Halgan Media oo kusugan Qabridahare ayaa hada ku daba jiro.

Siido kale waxaa la sheegay inuu marxuumka adeer u ahaa Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha war faafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso qooral u Cabdinuur soo dhigay bartiisa Twitter-ka.