Wararka laga helayo magalada Wardheer ee Xarunta gobolka Dollo ayaa sheegaya inuu musuq maasuq ay wadeen Mamuulka gobolka iyo tan dowlad degaanka uu maraayo meeshii ugu xumed.

Baritaan ay waday Halgan Media mudoyinkii udambeyay ayaa la ogaday gurya loogu talagalay in la soo dejiyo qoysas dan yar ah ay Xukuumada Dowlada Degaanka uu garwadeen ka yahay Mustafa Cagjar ayku warejiyeen shaqalaha u qabilsan mamuulka gobolka Dollo.

Dhawaan ayey aheed markii masuuliyiin katirsan Dowlad degaanka ay safar ku yimadeen magalada Wardheer, si ay uga qayb galaan Xadhig jarka guryo wadareedkii loodhisay dadka masaakiinta ah ee kunool magalaada Wardheer, balse guryaha waxa lagu wareejiyay shaqalaha gobolka Dollo.

Masuuliyiinta xadhiga ka jaray guryaha ayaa ah kuwa heer degan iyo heer gobol, waxaana kamid ah Wasiir Cabdifatax Sheekh Bixi, Wasiir Cabdiqaadir Xashi, Wasiir Cabdullahi Muuse iyo Guddomiyaha gobolka Dollo Cabdishakur Xashi.

 Sawir : masuuliyin heer degan iyo kuwa her gobol oo dhawaan xadhiga ka jaray guryaha.

Sida aan xogta ku helnay, guryaha ayaa 6 Qeyb ka koobnaa, halkii qeybna waxey ka kooban tahay 16 qol, waxaana guud ahaanba wada dagay shaqalaha mamuulka gobolka Dollo.

Ma’ahaan markii ugu horeysay ay Xukuumada Mustafa Cagjar iyo tan gobolka Dollo ay boobaan hanti ama gurya loogu talagalay qoysaska danta yar.

Halgan Media.