Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay wado qorshe ay deegaanadooda dib ugu soo celineyso tobanaan kun oo ruux oo ku barakacay colaadii xooganeyd ee gudaha dalkaasi ku dhex martay Qowmiyadaha Gedeo iyo Oromada.

Wasiirka isgaarsiinta ee dowlada Federalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Militariga iyo kuwa booliska ee dalkaasi la dhigay degaanka Guji ee gobolka Oromada, si loo xaqiijiyo amniga.

Qowmiyaha Oromiya iyo Gedeo waxaa u dhexeeyay dagaal xoogan oo la xiriira dhinaca xuduudaha, halka kumanaan kale ay ku barakaceen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.