Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga wadankiisa gudaha Soomaaliya ay baaqi kusii ahaan doonan inta amniga dalka dib loogu soo celinayo.

Kenyatta oo ka hadlayey Dugsi tababar ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay Qaramada Midoobay ay ka helaan lacago magdhow ah, kuwaasi oo la siinayo qoysaska wiilashooda ku baxay iyaga oo Soomaaliya ku sugan.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in caqabado kala duwan oo dhanka maaliyadda ay soo foodsaari doonto ciidamada wadankiisa ee qaybta ka ah AMISOM, balse wuxuu ugu baaqay inaanu udhutin.

Dowladda Kenya ayaa kumunaan askar usoo dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011-kii kadib markii ay sii sharci darro kuso duleendalka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay dalka isaga hayaamaan sanadka 2020-ka, markaasi masuuliyada nabad-gelyadda guud la filayo in lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed oo diyaar-garow adag ku jira.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.