Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Jubbaland ayaa sheegay inay tuhmayaan in weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal Kismaayo uu ahaa mid la soo maleegay oo la doonayay in lagu qalqal geliyo amniga doorashada ku soo fool leh Jubbaland.
Xasan Yare oo la hadlayay telefishinka Universal ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaano ka badbaaday weerarkaas, isla markaana xilliga uu qaraxa dhacayay uu ku jiray qolka uu ka degenaa Hotelka oo uu saacad ka hor ka tagay goob ay wada fadhiyeen rag saaxibadiiisa ah.
Waxaa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay uu qolkiisa ka soo baxay, deetana uu arkayay raggii hubeysnaa oo gudaha Hotelka sii galayay, iyagoo rasaas adeegsanayay, dadkana tooganayay sida uu yiri.
“Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowaan ay soo bixi doonaan caddeymo iyo xogo la xiriira weerarkaas, isagoo tilmaamay in dharka ay wateen raggii weeraray Hotelka uu ahaa dharkii Booliska dowladda Federaalka ee lagu qeybiyay Ischool Polizio oo ah kuwii u dambeeyay.
“Dharka ay wateen afarta askari ee weeraray Hotelka wuxuu ahaa dharkii Booliska Federaalka ee ugu dambeeyay oo lagu qeybiyay School Polizio, mid waa is qarxiyay, labo waa la dilay, hal nin gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka mid ah Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay istiraatiijiyada laga lahaa weerarkaas inuu ahaa in Kismaayo aanay amni aheyn iyo in aanay doorasho ka dhici karin, waxaana uu tusaale u soo qaatay Hotelka la weeraray inuu ahaa midka ay degenaayeen illaa 7 Xildhibaan oo ah kuwa taageersan dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
“Aniga ka Xildhibaan ahaan waxaa tuhmayaa oo aan aaminsanahay dharka ay wateen, qaabka loo abaabulay, sida Madxatooyada u fikireyso iyo Hey’addaha ammaanka halkaas ka jira inuu jiro tuhun xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Madaxtooyada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.