Abaro sacadu markay ku beegnayd 9:00PM ayaa waxay xabad lixaad leh ka bilaabatay xafada 2aad ee magalada wardheer khasatan jeerinley masajidka dheer iyo gaafow.

Xabadan ayaa waxaa sababay ka dib markay soo sareen lamaha amaanka ee dawlada in bandow laa galiyo xafadaha 1aad iyo 2aad ayaa waxaa lagu amray ciidanka Liyuuga inay damiyaan xafadaha aan soo sheegnay.

Ciidanka oo ka anbabaxay xerada libaaxyada ee ku taal badhtamaha magalada isuguna jiray liyuga iyo booliska gobolka dollo ayaa waxay ku hormareen xafada 1aad kadib markay kala xareeyeen shacabkii xafada.

Ayay waxay u gudbeen oo ciidanku u kaceen dhanka xafada 2baad kadib markay gaadheen xafada ayay u yimaadeen dhalinyaro fadhida barxada ceelka jeerinleey kadinka hore ee xafiiska maaliyada deg-mada wardheer ciidanka ayaa ku amray inay ku xaroodan dhalinyaradu guryahooda.

Dhalinyarada oo diiday amarkii ciidanka ayaa dhaliyay buuq iyo dagaal markii danbana waxay dhagax tuur ku bilaabeen ciidankii dagaalkii oo fiday ayaa gaadhay dhamaan baa qaybaha xafafa 2aad markii danbana ciidanku waxay ku jawaabeen xabad.

Xabadan oo 3;00 daqiiqo socotay ayaa markii danbe waxaa soo baxay ciidamada milatariga itoobiya oo dagan dhanka bari ee magalada khasatan xerada laydhka loga soo shido magalada.

Dhamaan baa ciidanka oo iska shanayaa ayaa ku fiday xafada waxayna si deg-deg ah u sugeen amaanka xafada iyo magalada ayago soo qabqabtay dhalinyaro badan oo ah sedex gaadhi oo qabaal buxbuuxa ah waxana laa keenay isteeshinka booliska deg-mada wardheer halka oo ay ku xidhanyihiin.

Kadib markaan badhitaan saxan ku samaynay waxaan soo ogaanay inaysan jirin wax khasara ah oo soo gaadhay shacabka dhaawac iyo dhimasho toona
Marka laga reebo shacabka xafadaha magalada oo ku sasay dhawaqa rasaasta.

Dhalinyaradan oo qabqabashadoodu ka danbaysay kadib markay ciidanku eedeyeen inay ka danbeeyen rabshada ayaa xabsiga loo taxaabay halka oo ilaa hada ay ku xidhanyihiin.

Xalada magaladu way dagantahay waxay naa bilaabatay arinkan oo dabasocota salkana ku haysa kadib 3 todobaad ka hor marku magalada ka dhacay qalalaaso arinkan oo daba socda tii hore waxii war ah ee ka soo kordha kala soco Halgan Media.

Wariye Shafi Dulane.