Dowlada Uganda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u diri doonto kun askari si loo xojiyo ciidamada kale ee ka yimid Uganda oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

In ka badan 8,000 oo Askar kana soo jeedo dalka Uganda ayaa qeeb ka ah ciidamada AMISOM ee jooga dalka, iyago markii ugu horeeysay ay dalka cagta soo dhigeen ay ahayd sanaadkii 2007.

Taliska Musevani oo hogaminayo dalka Uganda ayaa sanad walba lacag badan ku helo mashruuca loo yaqaano la dagaalanka Argagixisada, taas oo keentay in uu dhaqaalo badan ka helo dalalka reer galbeedka ee ku sabsan dagaalka ka socdo dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Halgan Media