Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xireyso Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo kuyallo dhulka Somalida ee Kenya Gumaysato loo yaqaano NFD, halkaas oo ay ku sugan yihiin Kumanaan u badan Qaxooti Soomaali ah.

Wakaalada wararka AFP ayaa baahisay inay heshay dukuminti ku saabsan xirista xeradan qaxootiga, isla markaana Kenya ay xeri doonto Bisha Agoosto ee Sanadkaan.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa horay u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin.

Sidoo kale Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka kuwa kale dib u dejin loogu sameyn doono Gudaha Kenya ama dal Saddexaad.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.