Wararka ka imaanaya  Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya deeganko  hoostaaga  dagmada Ceel waaq  ee gobolka Gedo ayaa sheeagaya  in ciidamada Kenya ay halkaa ka geysteen duqeymo diayaaradeed.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay idaacada Halgan Media in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha ay qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan khasaaro ka dhashay weeraradaasi cirka ah, inkasta oo aanan la ogayn tiradda saxda ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeymahaan oo kasoo baxay masuuliyiinta gobolkaasi oo hoostaga maamulka Jubbaland.

Inta badan diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa howlgalo dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayaan goobo ay ku tuhmayaan Al-Shabaab ka fuliya gobolada hoostaga Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media