Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqen xalay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday dad Xoolo dhaqaato oo joogay goob udhow tuulada Barmil ee gobolkaasi.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi diyaaradeed.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federalka iyo dhanka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi.

Halgan Media.