Sida ay maanta baahiyeen qaarka mid ah warbaatinta dalka somaaliya Sharikadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airline, ayaa la sheegayaa in ay hakad kooban gelisay duullimaadyadeedii Muqdisho iyo Addis Ababa.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii nin u dhashay dalka Koonfur Afrika lagu qabtay boorso uu watay oo uu la soo Galay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu doonayay in uu ula dhoofo magaalada Addis Ababa.

Boorsada ninkaas ayey ciidamada ammaanka ka heleen gaaska dadka ka ilmeysiiya, sidoo kalena loo adeegsan karo qaraxyada, waxaana markii ay ciidanka qabteen kaddib la wareegay ciidamo ajannabi ah.

Ninkan ayaa waxaa hadda ku socda baaritaan la xiriira walxaha gaaska ah ee qarxi kara oo uu damacsanaa in uu la raaco diyaaradda.

Maamulka Ethiopian Airlines ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo weydiistay in uu faah faahiyo waxa ninkaasi ahaa iyo walxaha laga shakiyay ee lagu qabtay.

Sharikadda diyaaradaha Itoobiya ayaa Soomaaliya ka shaqa billowday bishii November ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana duullimaadkaasi billowday 40 sano kadib.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.