Wararka laga helayo Gobolka Doolo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleed Walaalo ah saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay magalaada Wardheer ee gobolkaasi.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay xafaada 1aad ee magalaada Wardheer .

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen 3 Qof ay kamid tahay gabadh yar oo caloosha Xabad ku dhacday. Dagaalka wuxuu ku salaysaan yahay muran ka tagaan dhul ay laba Qoys isku heystaan.

Waxaana uu tilmaamay in haatan xaaladu ay tahay mid kacsan,  ay cabsi ay ka qabaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama weli ay is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.