Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida si lama filaan ah ugala noqday Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulan deg deg ah oo maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeesheen Xildhibaanada golaha shacabka ajandihuusuna ahaa ka doodista doorashada ayaa la keenay mooshin deg deg ah oo codka kalsoonida lagala noqonayay Xassan Cali Khayre.

Xil ka qaadistan sida deg dega ah ku timid ayaa la sheegay in uu ahaa qorshe ay isla ogaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa koobaad kuwaa oo isla qorsheeyay xil ka qaadista Khayre.

Xassan Cali Khayre oo xiliga kalsoonida lagala noqonayay ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ayaa warar soo baxaya sheegayaa in ay socdaan kulamo hoose uu la qaadanayo la taliyaashiisa iyo xubnaha aadka ugu dhaw.

Ilo ku dhaw dhaw Xassan Cali Khayre ayaa Halgan Media uu sheegay inay uu badan tahay in Khayre aqbalo xil ka qaadista lagu sameeyay si uu uga shaqeeyo xasilooni siyaasadeed loogana fogaado qalalaase.

Khayre ayaana la filayaa marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho ku dhawaaqo go’aankiisa ku aadan kalsoonida ay kala noqdeen Xildhibaanada qaar, waxa ayna u badan tahay in Khayre shaaciyo in uu xilka ka degayo.

Xassan Cali Khayre ayaa si weyn uga soo horjeeday qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo mudo kororsiga, waxa uuna Khayre marar badan ku cel celiyay in doorashada waqtigeeda ku dhaceyso taa oo caqabad ku aheyd rabitaanka Farmaajo.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in xil ka qaadista deg dega ah ee lagu sameeyay Khayre ay wadada u xaareyso wadahadalo Madaxweyne Farmaajo la yeesho Mucaaradka si uu uga qanciyo xilka R/Wasaaraha iyaguna ogolaadaan mudo kororsi.