Saddex sano ka hor maanta oo kale waxaa magaalada Baydhabo lagu xiray dabadeedna Xamar loo qaaday Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo ahaa musharrax u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed. Xaragga Roobow waxaa ka dhashay silsilado dhacdooyin ah oo saamayn badan yeeshay, waxa uuna noqday mahadho mar walba la hadal hayo. Haddaba ninkaas maxaan ka naqaannaa? Waxaan qoraalkan ku soo koobayaa 10 qodob oo ku saabsan.

Q1aad: Dulmarka taariikh-nololeedka Roobow

Sh. Mukhtaar Roobow Cali oo lagu naanayso “Abuu Mansuur” wuxuu horraantii lixdameeyadii ku dhashay degaanka Abal oo 18KM u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool. Hadda da’ ahaan waa lixdan jir ama wuu ku dhow yahay. Waxbarashadiisii jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay Suudaan, wuxuuna soo bartay Culuumta Shareecada.

Bilowgii sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii Al-Itixaad, wuxuuna ka dagaallamay gobollada jubbooyinka iyo Gedo. Waayahaas ayuu Xuddur ka furay xarun tababar, balse ma hanaqaadin. Jabkii Al-Itixaad ee dabayaaqayadii 90meeyadii kadib, Roobow wuxuu aaday Afgaanistaan, halkaas oo uu ku soo qaatay tababbar ciidan oo sarreeya. Weerarkii New York ee 9/11, faragalintii Maraykanka ee Afgaanistaan iyo dhicitaankii xukuumaddii Daalibaan ka dib, Roobow wuxuu ku soo noqday Soomaaliya. Wuxuu noqday macallin, dhaqdhaqaayada jihaadiga ahna wuu ka war hayay.

Dabayaaqadii 2005 wuxuu ka mid ahaa 12kii garab ee ku bahoobay Midowgii Maxaakiimta. Xafiiskii Difaaca ee Midowga ayuu kuxigeen ka noqday. Burburkii Maxaakiimta ka dib wuxuu ka mid ahaa raggii go’aansaday in la sii wado “jihaadka”. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa raggii asaasay ururka Alshabaab. Mar wuxuu ururka u noqday afhayeen, mar kalena kuxigeenka hoggaamiyihii ururka, Axmed Cabdi Godane.

Xiriirka Godane iyo Roobow marna ma fiicnayn, sababtaas darteed ayuuna ku waayay xilalkii uu ka hayay ururka. Bilowgii 2012 ayuu Roobow howlaha ururka faraha ka la baxay. Isla xilligaa ayuu Maraykanku lacag dul dhigay madaxiisa, arrintaas oo Roobow ka horjoogsatay in uu Dowladda isu soo dhiibo, dabadeed waxa uu ciidan ka qortay oo dhex degay beeshiisa.

Xiriiro hoose oo socday illaa labo sano oo u dhexeeyay Maraykanka iyo Roobow oo ay u kala dabqaadayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ka dib, bishii June 2017 ayuu Maraykanku ka dulqaaday Roobow lacagtii uu ku baadigoobayay. Laba bilood ka dib tallaabadaas ayuu Roobow isu soo dhiibay Dowladda, waxa uuna sheegay in uu ka baxay Alshabaab.

Sanad ka dib isa soo dhiibkiisii, Roobow wuxuu iclaamiyay in uu musharrax u yahay xilka madaxweyne ee Koonfur Galbeed. Dowladda Federaalka ayaa arrintaas ku diidday, waxa ayna sheegtay in uusan tartami karin. Ugu danbayn way xirtay, maatana saddex sano ayaa laga joogaa goortii la xiray.

Q2aad: Khilaafkii Roobow iyo Godane

Roobow kaligii isma ay qaban Godane. Rag badan oo madaxdii iyo asaasayaashii ururka ahaa ayay is maandhaafeen Godane, waxaana ka mid ahaa Ibraahin-Afqaan, Cabdixamiid Colhaye, Xasan Daahir Aways, Cumar Maxamed Abuu Ayaan, rag ajaanib ahaa sida Abuu Mansuur Al-Imriiki, Abuu Subayr Almuhaajir iyo dad badan oo kale. Khilaafka ururku wuxuu si fiican u soo shaacbaxay April 2011, waxa uuna salka ku hayay oo ay raggaas iyo Amiirku isku diiddanayaayeen arrimo awoodeed, kuwo istiraatiijiyadeed, kuwo caqiiqo, kuwo farsamo iyo mararka qaarkood kuwo qabiil. Raggii Godane ay maandhaafeen in badan oo ka mid ah wuu laayay, in kale oo badan wuu xirxiray, qaarna way ka carareen ururka.

Arrimihii uu Roobow gaar ahaan ugu diiddanayaa hoggaamiyihii ururka waxaa lagu soo koobi karaa dhowrkaan:

1. Roobow wuxuu dhaliilsanaa sidii uu Godane ururka u dagaalgalin jiray oo uu u arkayay qar-iska-tuurnimo iyo halaag. Tusaale ahaan Roobow wuxuu ka soo horjeeday sidii loo galay dagaalkii bisha Ramadaan ee sanadkii 1431H ee ku beegnaa August 2010, kaas oo uu ururku u yaqaanno “Nihaayatu al-Muctadiin” kana dhacay Xamar. Sida ku xusan buugga Harun Maruf iyo Dan Joseph dagaalkaas wuxuu ururku ku waayay 500 – 700 oo dagaalyahan, kuwaa soo badankood ka soo jeeday gobollada koofureed gaar ahaan Bay iyo Bakool. Roobow howlgalkaas aad ayuu uga carooday, wuxuuna furinta dagaalka kala baxay illaa 1000 askari oo reerkiisa ah, wuxuuna ku celiyay gobollada Bay iyo Bakool. Durba Xamar waa laga dareemay ciidanka baxay, dagaalkiina wuu qaboobay. Dadka arrimaha ururka ka faallooda waxa ay dhacdadaas ku macneeyaan barbilowgii bixitaanka Alshabaab ee Xamar.

2. Roobow wuxuu dhaliilsanaa jiritaanka iyo sida ay u shaqeeyaan ciidammada amniyaadka oo uu sameeyay isla markaana gacanta ku hayay Godane, kuwaas oo fulin jiray howlgallo aan taladooda amiirka la la wadaagin. Dhan kale, wuxuu si toos ah u dhaleeceeyay dhacdooyin waaweyn oo la sheegay in ay xarakadu ka danbaysay, sida Qaraxii Shaamow iyo dilkii Sh. Cabduqaadir Gacameey.

3. Roobow waxa ay Godane isku diideen sida loola macaamilayo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah. Godane wuxuu mar walba hay’adaha u arkayay ururo kiristaan ah oo jawaasiis ah oo xumaan faafinaya, Roobowna wuxuu u arkayay in ay hay’aduhu wax ka tari karaan duruufaha bini’aadanimo ee ka taagnaa dalka, gaar ahaan gobollada koonfureed.

4. Roobow waxa uu ka soo horjeeday dilalka joogtada ah ee ururku u gaysanayay cid walba oo fikir ahaan ka soo horjeedday, gaar ahaan shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha. Wuxuu u arkayay in dadka la saamaxo oo la kasbado, halkii laga dili lahaa. Tusaale ahaan, Roobow wuxuu cafiyay saraakiil, xildhibaanno, agaasimayaal iyo dad la shaqeeyay xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo uu Baydhabo ugu tagay horraantii 2009 markii uu magaalada qabsaday. Godane arrintaas aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna u arkay gef diimeed iyo mid istiraatiijiyadeed.

Qodobbadaan kore awgood, Godane wuxuu yaqiinsaday in aysan Roobow isla jaanqaadi karin, wuxuuna go’aansaday in uu talada iyo hoggaanka ururka ka fogeeyo. May 2009 ayuu ka xayuubiyay xilkii afhayeennimo ee ururka. Labo sano ka dib, August 2011, oo ahaa xilligii uu ururku ka baxay Xamar, ayuu haddana ka qaaday xilkii kuxigeennimo ee ururka, wuuna ka xan iyo talo qarsaday. Dhanka kale, Roobow markuu xaqiiqsaday in Godane ururkii iskudubbaritay oo aanu awoodda kula loolami karin ayuu lafihiisa la cararay oo beeshiisa dhex degay oo ciidan gaar ah ka qortay.

Q3aad: Isa soo dhiibitaankii Roobow

Roobow waligii kama fogayn dowladda, xiriir ayuu la lahaa masuuliyiinteeda, wuxuuna qabay in la wada hadli karo oo la dhammayn karo dagaalka dabadheeraaday ee jihaadiyiinta iyo dowladda. Arrintaas waxaa tusaalayaal loogu soo qaadan karaa dhacdooyinkan hoose:

1. April 2006, Roobow isaga oo hoggaanka Midowga Maxaakiimta ka mid ah ayuu tagay Baydhabo oo xarun u ahayd xukuumaddii kumeelgaarka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna halkaa kula kulmay masuuliyiin iyo odayaal dhaqameed beeshiisa ah. Wuxuu ka la hadlay xaaladda dalka iyo midowga Xamar ka curtay. Masuuliyiintii uu halkaa kula kulmay waxaa ka mid ahaa Korneel Xasan Maxamed Nuur oo Shaatiguduud loo yaqaanay oo markaa ahaa wasiirkii Maaliyadda ee xukuumadda kumeelgaarka ah.

2. Roobow wuxuu ka mid ahaa wafdigii Midowga Maxaakiimta ee Suudaan wadahadallada kula galay xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf.

3. Mar kale, Roobow wuxuu ka mid ahaa dadkii tagay Asmara ka dib jabkii Maxaakiimta. Falanqeeyayaasha qaarkood waxa ay sheegaan in uu jiray isfahanwaa u dhexeeyay isaga iyo Sh. Shariif oo ahaa hoggaamiyihii Maxaakiimta markii danbana noqday madaxweynaha dalka, is-fahanwaagaas oo Roobow ku qaaday in uu Asmara durba ka soo noqday.

4. Kadib ka bixitaankii ciidamadii Itoobiya, Roobow wuxuu usoo jeediyay hoggaankii Alshabaab in wakhti la siiyo xukuumadda Sh. Shariif, balse waxaa ku diiday rag ay ka mid ahaayeen Godane, Ibraahin-Afqaan iyo Mahad Karatee.

5. July 2013 waxaa aad la isula dhex maray oo warbaahintu u qortay in Roobow wadahadallo qarsoodi ah kula jiro xukuumaddii Md. Xasan Sheekh, balse wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaas ayaa arrintaas beeniyay.

Dhacdooyinkaas oo idil waxa ay muujinyaan sida uu Roobow mar walba ugu dhawaa Dowladda, una qabay in la wada hadli karo. Intaas waxaa lagu xoojin karaa hadalkii Sh. Cali Dheere, afhayeenka ururka Alshabaab, uu duubay horraantii 2018 oo uu uga hadlayay waxyaabihii ay isku maandheefeen ururka iyo Roobow, oo uu ku daray sida Roobow u arkayay hay’adaha, dowladda iyo beesha caalamka oo ka duwanayd sidii ururku u arkayay.

Haddaba sidee ku suuragashay in uu dowladda isu soo dhiibo? Sida uu warbaahina Hanoolaato u sheegay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga DFS, mudane Cabdirishiid Cabdullaahi Maxamed, 2015kii waxaa bilowday wadahadallo u dhexeeyay masuuliyiin reer Koonfur Galbeed ah iyo CIA-da Maraykanka oo dhan ah iyo Roobow. Wadahalladaas oo labo sano socday waxa ay dhaleen in Roobow laga dulqaado lacagtii uu Maraykanku dul dhigay madaxiisa, sidaana uu Dowladda isugu soo dhiibay.

Q4aad: Musharraxnimadii Roobow iyo diidmadii Xukuumadda

Ka dib doorashadii Md. Farmaajo ee horraantii 2017, Xukuumadda Federaalku waxa ay qaadday tallaabooyin lagu wiiqayay federaalnimada iyo kala madaxbannaanida haya’daha dowladda ee heer federaal iyo heer maamul-goboleed, iyada taas u maraysay in saaxada laga saaro masuul walba oo ay Xukuumaddu u arkaysay in uusan la jaanqaadi karin. Tallaabooyinkii ay xukuumaddu qaadday waxaa ka mid ahaa in ay toos u faro galisay doorashooyinka maamul goboleedyada, iyada oo tuurtay madax ay diiddanayd, isla markaana caleemo saartay madax iyada taabacsan. Haddaba musharraxnimada Roobow waxa ay carqalad ku ahayd qorshahaas ay Xukuumaddu ku foogganayd, halkaas ayayna isku seegeen.

Roobow wuxuu uga duwanaa musharrixiintii kale in uu haystay taageero degaankiisa ah. Waxa uu lahaa shacbiyad xooggan, bulshada reer Koonfur Galbeed oo ah dadka ay sida ugu daran u saamaysay dowladnimo la’aanta Soomaaliyana waxa ay u arkayeen hoggaamiye samata bixin kara. 4tii Oktoobbar 2018 ayuu Roobow tagay Baydhabo si uu uga qaybqaato doorashada, halkaasna waxaa loogu soo dhaweeyay si ballaaran. 25’kii November 2018, Roobow waxaa u tanaasulay siddeed musharrax oo u taagnaa xilka madaxweyne iyo Koonfur Galbeed, rajadiisa soobixistuna aad ayay kor ugu kacday. Kulammo door ah ayuu la qaatay xubnaha baarlamaanka maamulka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, waxaana loo muujiyay taageero iyo rabitaan.

Arrimahaasi waxa ay culays ku noqdeen madaxda Federaalka oo dhayalsanayay musharraxnimada Roobow intii uu Xamar joogay, waa ayaana ku baryay. Waxa ay is tuseen haddii uu Roobow tartamo in aysan xitaa laaluush iyo lacag ku soo saaran karin musharraxa ay la rabaan in uu ku soo baxo doorashada maamulka. Taasi waxa ay dhalisay in Wasaaradda Amnigu soo saartay warqad ay ku sheegtay in aanu tartami karin Roobow, iyada oo ku sababaysay cunaqabataynno caalami ah oo wali ka saaran xagga dhaqdhaqaaqa, dhaqaalaha iwm. Arrimahaasi run ma ahayn kolka la eego sidii uu Roobow dalka dibaddiisa dhowr jeer ugu safray iyo sidii ay noloshiisu xor u ahayd intii uu Xamar joogay.

Dhanka kale, Roobow malahayn shakhsiyaddii, taariikhdii iyo hankii qofka ay u baahnaayeen madaxda Federaalku in uu madax ka noqdo Koonfur Galbeed, sababtaas ayayna ugu dhici waayeen in ay isaga dhistaan oo taageeraan ama faraha uga qaadaan.

Q5aad: Sababta Xarigga Roobow

Xariga Roobow wuxuu ahaa xarig siyaasadeed. Roobow danbi looma haysan, haddana looma haysto, waxaana arrintaas caddaynaysa:

1. Roobow kolkii uu isa soo dhiibay iyo kolkii uu toos ugu dhawaaqay in uu musharrax yahay waxaa u dhexeeyay 14 bilood. Muddadaas badankeed wuxuu joogay Xamar, wuxuuna qayb ka deggenaa xarunta NISA. Haddii danbi loo haysto kolkaas ayaa lagu oogi lahaa, qabashadiisuna ay fududayd.

2. Roobow si xor ah ayuu u dhaqdhaqaaqi jiray, una safri jiray. Illaa laba jeer ayuu dalka ka baxay. Mar Sucuudiga ayuu aaday oo wuu soo cumraystay, mar kalena Nayroobi ayuu u safray. Magaalooyinka Kismaayo, Xuddur, Diinsoor iyo Baydhabo ayuu iyagana tagay ka hor intii aanu is sharraxin. Dabcan qof danbi loo haysto is kama wareegeen ee waa la xiri lahaa.

3. Ololihiisa musharraxnimo wuxuu ka bilaabay Xamar, warbaahinta Qaranka ayaana laga sii daynayay. Markii hore waxaaba la isla dhex maray oo aad u faaftay in Dowladda Federaalku dhisayso Roobow.

4. 13kii September 2018 musharrixiin u taagnaa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo uu Roobow ku jiro ayaa Xamar kula kulmay Guddoomiyaha GSH Maxamed Mursal, oo dabcan ah masuulka labaad ee ugu sarreeya Qaranka kana soo jeeda KG.

5. Xariggiisa ka dib Roobow maxkamad lama keenin. Xeer Ilaalinta Qaranku dacwad kuma ay soo oogin. Ma jirin cid warbaahinta timid oo sheegatay in ay dhibbanayaal u yihiin Roobow oo wax ka tirsanayaan ama qareenno qabsaday.

Arrimahaas oo dhami waxa ay caddaynayaan in Roobow u xiran yahay siyaasad ee aanu danbiile ahayn.

Q6aad: Tuhunka ah in aanu Roobow si rasmi ah uga bixin Alshabaab

Dad badan ayaa qaba tuhunkaa, aadna waa la isu wayddiiyaa, balse Dowladdu marna ma oran Roobow ka ma uu bixin ururka Alshabaab. Roobow dabayaaqadii 2011 ayuu ka goostay xarakada oo howlaha ururka faraha kala baxay, sida la wada og yahay. Nin tolkii dhex deggen ayuu ahaa illaa uu isaga soo dhiibay Dowladda August 2017.

Roobow isaga oo Alshabaab ku jira oo hoggaankeeda ka mid ah ayuu ururka dhaliilayay oo diiddanaa sida ay u dhaqmaan ama wax u maamulaan, arrinaasna wuxuu ku waayay xilalkii uu ururka ka hayay. Ka dib markii Maraykanku madaxiisa lacagta ka dulqaaday, Alshabaab waxa ay dagaal ku soo qaadeen Roobow, naftiisa ayayna halis galiyeen. Wadaadku isaga ayaa dookhiisa Dowladda isugu soo dhiibay ee lama soo qaban, waxaana jiray cafis guud oo Dowladdu u fidisay cid walba oo ururkaas ka soo baxda. Intaas waxaa dheer markii uu isa soo dhiibay in uu qabtay shir saxaafadeed, uuna caddeeyay in uu ka baxay ururka, waliba wakhti hore.

Roobow intii uu isa soo dhiibay ka dib dhowr jeer ayuu si kulul u dhaliilay Alshabaab, wuxuuna ku baaqay in wax kasta oo kale meel la iska dhigo oo ururkaa la la dagaallamo uun. Waxaa ka mid ahaa Qaraxii Soobbe iyo qarax kale oo ka dhacay Baydhabo October 2018.

Arrimahaas oo dhan waxa ay burinayaan tuhunka ah in aanu Roobow si rasmi ah uga bixin Alshabaab, sidaana ay Dowladdu ugu diidday in uu tartamo.

Q7aad: Dhacyooyinkii ka dhashay xariggii Roobow

Xariggii Roobow si weyn ayuu u saameeyay siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna soo jiitay hadalhaynta gudaha iyo indhaha warbaahinta caalamka. Bannaabaxyo waaweyn oo rabshado wata ayaa gilgilay Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed isla maalinkii la xiray Roobow. Ku dhawaad 15 qof oo uu ku jiray xildhibaan maamulka Koonfur Galbeed ah ayaa lagu dilay Baydhabo intii ay bannaanbaxyadu socdeen. Ku dhawaad 300 qof ayaa xabsi loo taxaabay oo la xirxiray.

Xariggii Roobow wuxuu sidoo kale saameeyay Xukuumadda. Waxaa is casilay wasiir ka tirsanaa oo ay isku degaan ahaayeen Roobow, isaga oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay xiragga Roobow iyo faraha ay la gashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa halis galay cilaaqaadka Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka, ka dib markii ay Dowladdu dalka ka eriday Nikloos Haysam oo ahaa ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, tallaabadaas oo ay QM ‘wax laga xumaado’ ku tilmaamtay. Haysam wuxuu Dowladda Dhexe ka codsaday in ay ka warbixiso xarigga Roobow, taas oo ay Xukuumaddu gardarro u aragtay.
Guddoomiyaha GSH Maxamed Mursal dhankiisa wuxuu ku baaqay in la sii daayo musharraxa, wuxuu codsaday in la hakiyo doorashada Koonfur Galbeed inta Roobow arrinkiisa meel la saarayo, balse laga ma dhagaysan.

Arrimahaas oo dhan waxa ay dhaceen maalintii iyo maalmihii xigay xarigga Roobow, Dowladdana waxa ay ku noqdeen utun iyo booq damqanasya oo mar walba lagu dhaliilo.

Q8aad: Xarigga Roobow iyo Alshabaab

Xarigga Roobow laba jeerba waa u bishaaro iyo guul ururka Alshabaab.

Tan koowaad: Roobow wuxuu ahaa ninka ugu habboon (the best choice) ee la dagaalami lahaa ururka Alshabaab, haddii la la dagaalamayo, kolka la eego dhinacyo badan.

Roobow wuxuu ku soo tababartay Afgaanistaan, wuxuuna ka mid ahaa raggii fikirka jihaadiga ah Soomaaliya keenay. Wuxuu la kulmay oo yaqaannaa ayna suuragal tahay in uu xiriir la leeyahay madaxda ururka Alqaacida oo ururka Alshabaab hoos tagaan.

Roobow wuxuu ka mid yahay asaasayaashii ururka, xilal sarsare ayuu ka soo qabtay, wax walba oo ku saabsanna wuu yaqaannaa. Roobow waa nin aqoon durugsan u leh diinta Islaamka, waxaana u fududaa in uu feker ahaanna ula dagaalamo ururka. Wuxuu ahaa nin tashkiilinta iyo wacyigalinta ku fiican, dartiisna kumannaan dhallinyaro ah oo beeshiisa u badan ayaa ururku ugu biiray. Waxaa la aamisan yahay in uu dad badan dib uga soo saari karay ururka.

Gobollada ay saamaynta ugu weyn ku leeyihiin Shabaabku waxaa ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool ee Roobow ka soo jeedo. Aqoonta degaankiisa iyo dadkiisu waxa ay ahayd fursad weyn oo Roobow kula dagaalami lahaa Alshabaab.

Arrimahaas oo dhan kolka la eego, Roobow wuxuu ahaa qofka ugu mudan ama ugu habboon ee la dagaalami lahaa Alshabaab. Haddaba xariggiisa ururka wuxuu uga dhigan yahay balaayo jiritaankooda halis galin lahaa oo ay Dowladdu ka xirtay, waana u abshir.

Tan labaad: dad badan oo xilal ka haya ururka ama ciidan u ah oo isa soo dhiibi lahaa ayaa laga yaabaa in ay u baaqdaan xarigga Roobow dartii, taasina waa u dan ururka.

Q9aad: sharciyadda xarigga Roobow

Xarigga Roobow waa sharcidarro iyo awood sheegasho kolka la eego shuruucda dalka iyo curfiga bini’aadannimo. Wuxuu ninkaasi ku xiran yahay dulmi iyo siyaasad. Xabsigiisu waxa uu gaboodfal ku yahay dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka, waana godob ay galeen madaxda Qaranku oo aan ka hari doonin.

Q10aad: Shakhsiyadda Roobow

Mukhtaar Roobow wali waa nin active ah oo han siyaasadeed leh oo leegasigiisu ma uu xirmin. Sidaa darteed, si kama dambays ah looma suurayn karo shakhsiyaddiisa. Balse kolka taariikhdiisa, waraysiyadii uu bixiyay, go’aamadii uu qaatay iyo waayihiisa la akhriyo waxaa la ogaanayaa in uu yahay nin keenadiid ah oo aan oggolaan in lagu guuro. Waa nin isla han weyn oo aan cadquureed qaadan. Roobow waa nin dadkiisa iyo degaankiisa matala oo aad ugu janjeera. Si kale haddii loo yiraahdo, waa nin qabali ah oo tolnimo leh, sababtaas ayuuna taageero uga haystaa dadkiisa.

Roobow waa nin go’aan adag oo xilliyada qallafsan cagaha dhulka ku haya, sida laga baran karo dhacdooyin badan oo taariikhdiisa soo maray. Isaga oo halis ku jira ama xabsi ku jira xitaa mabaadii’diisa wuu ilaaliyaa, gardaradana ma qaato. Mar kale Roobow waa nin maskax furan oo haddii waaqacu isbeddelo sida uu u fekerayana wax ka beddela, waanan sababta uu uga duwanaaday saaxiibadiisii ay illaa Afgaanistaan isla soo mareen.

Dhanka kale, Roobow waxaa lagu sheegaa nin caloosha wax ku qabta oo qofkii ama kooxdii ay ismaandhaafaan aan illaawin, waana iin shakhsiyadeed oo uu leeyahay. Inahaani waa inyar oo aan ka qiyaasay intii aan ka akhriyay Roobow, balse waxaa suuragal ah in dadka toos u yaqaanna ay in ka badan shakhsiyaddiisa ka sheegi karaan.

Ugu danbayn, waxaan baaqayga ku biirinayaa in ninkaas la sii daayo, oo uu xorriyaddiisii dib u helo.

W/Q: Cabduwahaab Saqa