Sabtigii nasoo dhaaftay markii ay Tariikhdu aheed 11-da Luulyo ee 2010ka waxa magalaada Kampala ee caasimada dalka Uganda ka dhacay weero Ismiidaamin ahaa oo ay fuliyeen dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab, taas oo ay ku dhinteen in ka badan 70 ruux oo aan waxba galabsan.

Dadka la layaay waxay ku suugnayen goob lagu daawado kubada cagta, waxaana masuuliyada qaraxyada sheegtay ururka hubeysan oo ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ee Al Shabaab, balse 10 sano kadib weerarka Kampala, waxaa weli jiro su’aal muhiim ah oo ay cidna weli ka jawaabin.

Dalka Uganda ayaa kamid dhowr iyo toban dalal Afrikan ah oo ciidan u joogo Soomaaliya, iyaga oo uu adeegayo danaha Mareykanka oo joogitaan kooda ku Xalaalaynayo mashruuca la yiri la dagaalanka argagxiisada oo loo yaqaano “War on Terror”.

In ka badaan 8,000 askari kasoo jeedo dalka Uganda ayaa hada ku sugaan gudaha Soomaaliya, waxaayna u badan yihiin gobolada Shabelloyinka Iyo qayba kamid gobolka Banaadir, iyago oo ubadan ku goodoodsan yihiin xerooyinkooda.

Balse weerarka Bahalniimada ay Al Shabaab ka fuliyeen magalaada Kampala, wuxuu keenay inay bulshada Reer Uganda su’aal badan isweydiiyan, kadibna fursad badan sii lumiyaan

Islamarkii uu dhacay weerarka ismiidaminta, ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka waxuushnimada, iyago oo ku tilmaamay inay aargoosi u yahay ciidamada Uganda oo joogo gudaha dalka Soomaaliya.

Balse dowlada Uganda ayaa iska indha tirtay, kadibna ciidamo hor leh usoo dirtay Soomaaliya, taas oo la yab ku noqotay dad badan, waxayna ciidamada Uganda weli dagaal ka wadaan dalka Soomaaliya 10 sano kadib weerarka Kampala.

Caqabadaha ugu weyn oo heysto Soomaaliya markii laga soo tago ciidamada Shisheeyaha oo dalka dulaan ku joogo, waa Maleeyshiyaadka Al Shabaab oo u adeegga ururka argagixisada caalimiga ah ee Al-Qaacidda, mana jirto cid in kiri karto balse Akhristiyaasha waxaan weydiinaynaa hal su’aal

10 sano kadib weerarka ismiidaminta ee magaaalada Kampala, ciidamada Shisheeyaha way ku sii bateen dalka, waxaana sii kordhay dhaqaalaha laga sameeyo mashruuca la dagaalanka argagxiisada (War on Terror), taas oo sababay in ciidamo shisheeye oo magacyaal kala duwaan wato inay dalka kasu dulaan.

Hase yeeshee hadaan nahay ummada Soomaaliyeed meeqa sano ayaa ogalaanaynaa in ay dalal shisheeye oo cadow ah inay ku qaraabtaan la dagaalanka argagixisada sidii ay dadkeena iyo dalkeena qori ku Gumeystan ?

W/Q : Maxamed Abdulkaadir

Agaasimaha guud ee Halgan Media.