Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo ujeedada ay Gumaysiga Itoobiya ka leedahay ciidamada Badda ay sameysaneynso iyadoo aan lahayn wax bad ah kadib is afgaradkii dhex maray Itoobiya iyo Faransiiska.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wadday bilihii ugu dambeeyey dadaal ay ku dooneyso inay ku tababarto ciidamado badda ah oo  aan si rasmi ah loo ogeyn badda ay ku shaqeyn doonaan saldhigna ay ka dhigan doonaan maadaama aanay Itoobiya lahayn wax bad ah.

Iyadoo ay cabsidaasi taagnayd ayaa waxaa safar olole ah Geeska Africa ku yimid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo safarkiisa markii hore kasoo bilaabay dalka Soomaaliyeed ee Jabuuti ka hor inta aanu booqasho ku tagin Itoobiya iyo Kenya.

Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxeexday iskaashi milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo dhismaha ciidamo badeed, xilli Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika maadama Geeska Africa ay lug weyn ku yeelatay Dowladda Shiinaha oo rajanaysa inay dhaqaale fiican ka sameyso halkaas.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.